يسر مركز المقاصد للبحوث والدراسات إعلان فتح باب المشاركة في المؤتمر العلمي الثالث بعنوان #دور_العلماء_في_إرساء_السلم_والمصالحة_الوطنية #رؤية_شرعية_مقاصدية ،المزمع عقده في (24 – 26) من شهر أكتوبر المقبل في #مقديشو ؛ وعليه يدعو المركز العلماء والمختصين والباحثين المهتمين بأمور السلم والمصالحة إلى المشاركة في المؤتمر وتقديم مقترحاتهم في ضوء الملفات المرفقة التي تحوي تفاصيل المعلومات عن المؤتمر.
Kaalinta Culumadu ku Leeyihiin Geeddi-socodka Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta
Horudhac:
Iyada oo laga dab-qaadanayo loollanka iyo hardanka siyaasadeed ee ku soo kordhaya Mandiqadda Geeska Afrika iyo duruufaha ku gedaaman bulshooyinka qaarkood sida: Soomaalida, Itoobiyaanka iyo Suudaanta oo ay dhawaanahan ka curteen dagaallo sokeeye. Marka loo fiirsado dalalkaas waxa ay ka wada siman yihiin, waa dagganaan la’aan siyaasadeed, iyo heshiis bulsho la’aanteed, taas oo dhaxalsiinaysa bulshooyinkaas dhibaatooyin ay ka mid yihiin saboolnimo, maarayn la’aanta fursadaha iyo khayraadka rabbi ku mannaystay, sidoo kale barakaca joogtada ah oo astaan u noqday. Soomaaliya si gaar ah, waxay ku jirtaa xilli ka soo kabasho colaado sokeeye, waxa ay higsanaysaa nabad, waxaase wali jira colaado, iyo heshiis la’aan bulso. Sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in la darso, la lafa guro, lagana sameeyo cilmibaarisyo qoto dheer.
Ayada oo laga duulayo sababahaas sare ku xusan, maanka lagu hayo in bulshada Soomaaliyeed tahay bulsho Muslim ah, isla markaasna culimada diintu u yihiin hormuud, qayb waynna ka qaataan samata bixinta waayaha adag. Waxaa lama huraan ah in la is dul taago kaalintooda Dib-u-heshiisiinta iyo sal u dhigidda Nabadda, lagana sameeyo aragti cad oo dhabaha u jeexi karta wax qabad loo aayo.
Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid waxa ay qabanaysaa Shir-cilmiyeedkeedii 3aad oo sannadkaan loo doortay in uu diiradda saaro “Doorka culumadu ku leeyihiin geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta iyo adkaynta Nabadda”. Shirkaas oo lagu soo bandhigi doono cilmibaarisyo, doodo wax ku ool ah, ayna ka qayb qaadanayaal aqoon yahanno ku xeel dheer arrimaha Dib-u-heshiinta iyo nabadaynta.
Ujeedooyinka shiraka:
shirku waxa uu hiigsanayaa arrimaha soo socda:
Xoojinta doorka Culimada ee ka qayb-qaadashada dib-u-heshiisiinta. Aragti is waydaarsi si loo mideeyo fahamka laga haysto sababaha xasillooni darrada iyo xalkooda. Soo bandhigidda khibradaha & casharrada laga baran karo bulshooyinka dib u hantay nabadda colaado kadib. Muujinta kaalinta culumadu ku leeyihiin ilaalinta nabadda iyo xoojinta danaha umadda iyada oo gundhig looga dhigayo Maqaasidda shareecada Islaamka. Midaynta dadaalka culimada ee ku aaddan in bulshada Soomaaliyeed iyo dunidaba loo gudbiyo farriimo ka qayb qaata nabadda iyo horumarka.
Yaa ka qaybqaadan kara:
Shir-cilmeyeedkan saddexaad, waa shir aqooneed oo diiradda saari doona kalkaan “kaalinta culumadu ku leeyihiin geeddi-socodka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta qaran” waxa ka qayb qaadan doona idanka Alle: culimo hormuud u ah ummadda Soomaaliyeed kuna xeel dheer shareecada iyo Maqaasiddeeda, dhaqanka Soomaaliyeed, Cilmibaarayaal iyo qalinleyda ku xeeldheer ka-hortagga colaadaha, xasaradaha, nabadaynta. Sidoo kale, shirka waxa qayb ka ah matalayaasha ururrada bulshada rayidka ah, ku maxalliga ah iyo kuwa dowliga ah.
Ricirrada (Maxaawirta):
dhinacyada cilmibaaristani xoogga saarayso waxa ugu mudan kana mid ah:
Macnaha iyo nuxurka heshiisiinta.
heerarka ay marto, iyo u kuur galidda sababaha colaadaha.
Shareecada islaamka iyo aragtideeda dib-u-heshiisiinta.
Tiirarka nabadda iyo tubaha dib-u-heshiisiinta.
Doorka culimmada ee xaqiijinta dib-u-heshiisiinta qaran.
Khibradaha iyo casharrada dawliga ah iyo kuwa maxalliga ah ee xallinta khilaaka iyo dib-u-heshiisiinta.
Gunaanad:
Cilmibaaristani, waa mid qiimo weyn ugu fadhida bulshada geeska afrika, gaar ahaan bulshada soomaaliyeed. Sidoo kale, shuruudda iyo xeerarka laga rabo in loo maro cilmibaaristan waa mid waa faqasan hannaanka cilmibaarista casriga ah loo sameeyo. Sidaa darteed, waxa aad ka dheegan kartaa dhamman shuruudaha iyo qodobada looga baahan yahay cilmbaaraha lifaaqa nuqulka ku qorana afka carabiga.
Muddaynta Cilmibaarista: Koobaha cilmibaarista waxa la soo gudbinayaa idamka Alla: 20 Luulyo – 05 Agoosto 2023. Sidoo kale, daraasadda cilmibaarista oo dhamaystiran, waxa la soo gudbinaya idamka Alla: 06 Agoosto – 20 Sebteembar 2023.
Goobaynya iyo qabashada shiraka cilmibaarsita saddexaad waxa ay ku astaysan tahay idanka Alle 24-26 Oct 2023.