KAALINTA XARUMAHA XAANADU KU LEEDAHAY ABABINTA TOOSAN

NUXURKA CILMIBAARISTAN
Cilmi-baaristan oo cinwaankeedu yahay “Kaalinta Xannaanada ay ku leedahay Ababinta Toosan ee DhallaankaSoomaaliyeed: Daraasad Goobeed Gobolka Banaadir”Cilmi-baaristan waxa ay ujeedadeedu tahay in la ogaado kaalinta dugsiyada xannaanada ee ababinta toosan ee dhallaanka, iyadoo si gaar ah loo falanqeynayo kaalinta macallimiinta, manhajka, iyo waxqabadyada ku saabsan xoojinta qiyamka Islaamka.  Ujeeddooyinka daraasadda si loo gaaro, cilmi-baaraha waxa ay diyaarisay xidhmo su’aalo (istibaano) oo ka kooban 30 su’aalood, kuwaas oo ku salaysan ujeeddooyinka daraasadda, waxaana su’aalahan la hor dhigay muunadda cilmi-baarista. Daraasaddu waxay raacday hannaanka falanqaynta iyo tilmaam-bixinta, waxaana ka soo baxay natiijooyin muhiim ah. Kaalinta macallinka xannaanada ayaa ah mid aad u muhiim ah, waana tiirka ugu weyn ee lagu diyaariyo ubadka marxaladda barbaarinta, Macallinka xannaanadu wuxuu ku jiraa kaalinta labaad ee saamaynta ku leh ubadka, marka laga soo tago qoyska.

 

Ubadka waxay si gaar ah u dhegeystaan hanuuninta iyo tusaalooyinka macallinka, taasoo ka dhigaysa macallinka qofka ugu saameynta badan ee gacan ka geysan kara dhisidda akhlaaqdooda iyo shakhsiyadooda.Intaas waxaa dheer, daraasaddu waxay iftiimisay in manhaj isku dheelli tiran oo ku habboon marxaladda barbaarinta uu kaalin weyn ka qaato abuuridda qiyam Islaamiga ah oo sax ah.

 

 Si kastaba ha ahaatee, waxaa la ogaaday in dugsiyada xannaanadu aysan hadda heysan manhaj mideysan. Dugsi kasta wuxuu leeyahay manhaj u gaar ah oo uu aaminsan yahay inuu ku habboon yahay, iyadoo qaar ka mid ah dugsiyada wax lagu dhigo afka Ingiriisiga, halka kuwa kalena ay isticmaalaan afka Carabiga. Dalladda Waxbarashada ee FPENS waxay isku dayday inay soo saarto manhaj mideysan, balse dugsiyada badankood ayaan hirgelin manhajkan.

 

 SI AAD U DEJISATID GUJI HALKAN

Share:

Facebook
Twitter
Pinterest
LinkedIn