NUXURKA WARAAQAHA KULANCILMIYEEDKA KOOWAAD

Hordhac

 

Xarunta Cilmi-baarista Maqaasid oo saldhiggeedu yahay Magaalada Muqdisho, waxaa loo aasaasay in ay noqoto xarun u taagan horumarinta, kobcinta aqoonta Maqaasidda Shareecada Islaamka, hormuudna u noqota xal u helidda dhibaatooyinka bulshadeenna. Haddaba, iyada oo taas ka ambaqaadaysa waxay qaban qaabisay kulan aqooneed diiradda lagu saaray falanqayn iyo soo bandhigid doodo cilmiyaysan oo ku aaddan Qabya-qoraalka Xeerka Danbiyada jinsiga ee uu meel mariyey Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya 2018-kii, ka dibna loo gudbiyey Golaha Shacabka ee Soomaaliya, dood bulsho oo baaxad lehna abuuray. Kulan cilmiyeedkan oo ahaa kii ugu horreeyey ee noociisa ah, waxa uu kulmiyey qaybaha bulshada sida: Culimada, sharci-yaqaanno, golayaasha dowladda, matalayaasha Ururrada bulshada, Haweenka iyo Warbaahinta si loo helo aragtiyo bulsho oo ay sal u tahay aqoon, aragti dheeri iyo xal u raadinta dhibaatooyinka bulshadeenna gaar ahaan qaybaha nugul.

Kulan cilmiyeedku waxa uu diiradda saaray soo bandhigidda aragtiyo cilmiyaysan iyo talooyin wax dhisaya, saldhigna ay u tahay Maqaasidda Shareecada Islaamka, isla markaasna la jaanqaadi kara waaqaca iyo duruufaha dhaqan-dhaqaale ee ummadda Soomaaliyeed. Waxaa ugu waynaa arrimaha ka lagu xaqiijiyey:

Iftiiminta aragtida Shareecada Islaamka ee ku aaddan Qabyo-qoraalka Xeerka Danbiyada Jinsiga iyo kaalinta Culimada kaga aaddan xal u helidda danbiyada Jinsiga.

In la sameeyay falanqayn (gorfayn) qaanuuneed oo taabanaysa dhinacyada farsamada sharci samayn iyo nuxurka uu xambaarsan yahay Qabya-qoraalkani, taas oo ah aragtiyo ka soo maaxday cidda aqoonta gaarka u leh.

Waxaa la soo bandhigay doodo ku saabsan Qabya-qoraalka oo mira dhal ah, oo isku soo dhawaynaya qaybaha bulshada Soomaaliyeed ee isku danta ah.

 

SI AAD UDEJISATID GUJI HALKAAN

Share:

Facebook
Twitter
Pinterest
LinkedIn