WAR-MURTIYEEDKA KULANCILMIYEEDKA 3AAD

War-murtiyeedka

Kulancilmiyeedka 3aad ee Xarunta Maqaasid ee Diraasaadka iyo Cilmi-baarista

 

Doorka Culimada ee taabba-galinta Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta Qaranka

Muqdisho

(16-18 Rabiicul Al-thaani 1445)

31-Oktoobar -02 Nofember 2023.

HORDHAC

Iyada oo laga dab-qaadanayo loollanka siyaasadeed ee ku soo kordhaya Gobolka Geeska Afrika iyo duruufaha ku gedaaman bulshooyinka qaarkood sida: Soomaaliya, Itoobiya iyo Suudaanta oo ay dhawaanahan ka aloosan yihiin dagaallo sokeeye.

Marka loo fiirsado dalalkaasi waxa ay ka wada siman yihiin, xasilooni darro bulsho iyo mid siyaasadeed, taas oo dhaxalsiisay bulshooyinkaas dhibaatooyin ay ka mid yihiin saboolnimo, maarayn la’aanta fursadaha iyo khayraadka rabbi ku mannaystay. Sidoo kale waxa astaan u noqday barakac joogto ah. Soomaaliya si gaar ah waxay ku jirtaa xilli kasoo kabasho colaado sokeeye waxayna higsanaysaa nabad iyo horumar waara, waxaase wali jira colaado iyo heshiis la’aan bulsho kuwaas oo reebay kalsooni darro iyo gocashooyin uu reebay dhibkii dhacay. Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan ah in la darso, la lafa guro, lagana sameeyo cilmi-baarisyo qoto dheer.

Ayada oo laga duulayo sababahaas sare ku xusan, maankana lagu hayo in bulshada Soomaaliyeed tahay bulsho Muslima ah, isla markaasna culimada diintu u yihiin hormuud, qayb waynna ka qaataan samata bixinta waayaha adag. Waxaa lama huraan noqotay in la is dul taago kaalintooda Dib-u-heshiisiinta iyo sal u dhigidda Nabadda, lagana sameeyo aragti cad oo dhabaha u jeexi karta wax qabad loo aayo.

Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka ee Maqaasid waxa ay soo qaban qaabisay muddadii dhexaysay 31-kii-Oktoobar illaa 2-da Nofembar,2023 Shir- cilmiyeedkeedii 3aad oo sannadkaan loo doortay in uu diiradda saaro “Kaalinta Culimadu ku leeyihiin Geeddi-socodka Dib-u-heshiisiinta iyo Taabba-galinta Nabadda”. Shirkan oo lagu soo bandhigay Cilmi-baarisyo iyo doodo wax ku ool ah, ayna ka qayb qaateen aqoonyahanno ku xeeldheer arrimaha Dib-u-heshiinta iyo nabadaynta.

Kulankan oo ah shir-sannadeedkii 3aad ee Xarunta Maqaasid si xiriir ah u qabanayso ayaa si qotadheer u darsay sababaha keena colaadaha iyo isku dhacyada soo noq noqda nooc walba oo ay yihiin, kuwaas oo curyaamiyay horu-kaca Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan. Ujeeddada ugu wayn ee kulankaan ayaa ah in la abuuro aragti midaysan oo ay wada qaataan hoggaanka ummadda qaybaheeda kala duwan sida Madaxda Siyaasadda, Dhaqanka, iyo si gaar ah Culimmada iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka.

Shirkan oo socday muddo saddex cisho ah, waxaa furay Raysal Wasaaraha Dalka Mudane Xamse Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayada oo ka soo qayb galeen golayaasha Dawladda heerarkooda kala duwan sida xildhibaannada labada aqal, laamaha fulinta iyo Garsoorka, Culimmada Soomaaliyeed, Dhaqanka, Abwaannada, urruda Haweenka, iyo matalayaasha Bulshada Rayidka ah.

Shirkan oo ah mid Dawli ah waxaa ka soo qayb galay wufuud Caalami ah, kuwo goboleed ka kala yimi illaa siddeed waddan oo ay ka mid yihiin: Ciraaq, Yaman, Suudaan, Nayjeeriya, Jabuuti, Kenya, Gobolka Soomaalida Ethiopia, iyo Soomaaliya oo ay ka soo qayb galayaan culimmo iyo Cilmi-baarayaal ka kala imanaya dhammaan maammullada kala duwan ee Soomaaliya ka jira.

Shirka waxaa laga soo jeediyey Daraasado kor u dhaafayo 25 oo diiradda saaray arrimaha arrimaha heshiisiinta iyo adkaynta nabadda, ayada oo si gaar ah diiradda la saarayo kaalinta Culimmada Soomaaliyeed.

Shirkan oo mudddadii uu socday ay dheceen dood cilmiyeedyo iyo falanqayn ay ka qayb qaateen khubaro ku xeel dheer arrimaa Nabadda iyo Dib-u-heshisiinta, ayada oo lagu ugu dambaynti waxaa ka soo baxay aragtiyo shiilan oo wax ku ool ah, kuna aaddan midayta fahamka iyo tabaha dib-u-heshiisiinta iyo xasilinta Dalka.

Ka dib soo jeedin Cilmi-baarisyo iyo doodihii shirka ayaa ugu danbayn waxaa ka soo baxay qodobbada soo socda:

1.     Culimmadu maadaam ay yihiin geed fadhi iyo marjica ummadda waxaa dusha u saaran masuuliyad qara wayn oo ah adkaynta nabaydnta iyo ku barbaarinta ummadda iyo in loo baddalo dhaqamada colaadaha, gaar ahaan marxaladdaan adag ee ay marayso ummadda Soomaaliyeed.
  1. Shirikan oo lagu soo bandhigay khibradaha nabad dhalinta iyo heshiisiinta ka dhacday wadammo soo maray colaado iyo tabaha keenay in ay ka gudbaan. Sidoo kale lagu soo qaaday qaybo ka mid ah dadaallada guulaystay ee wax garadka Soomaaliyeed ee Nabad dhalinta iyo Dib-ug-heshiisiinta, shirkuna waxa uu boorrinayaa in dadaalladaas si wax ku ool ah looga faaiidaysto.
  2. Shirku waxa uu baraarujinayaa in in islaaxinta iyo heshiisiinta la rabo ay ka bilaabato culumada dhexdooda iyo cid kasta hoggaan u ah bulshada.
  3. In la xoojiyo fahamka heshiisiinta bulshada iyo tubaha loo marayo fahanka culuumta ku qotonta shareecada Islaamka, waafaqsanna manhaj ku dhisan dhex dhexaadnimo lana jaanqaadi kara nolosha casriga ah, sidoo kale xoojinta bar baarinta nafta si ay uga gudubto seeraha u dabranaanta dareen raaca, naf jeclaysiga faanka.
  4. Ayadoo laga duulayo kaalinta miisaanka leh ee xarumaha barbaarinta iyo waxbarashada  waxa lagama maarmaan ah in fariintooda asaasiga ah laga dhigiyo  barbaarinta ku dhisan wadanoolaansha iyo nabagelyada waarta. Haddii aan lagu salayn taasna barbaarintu waxa  ay noqonayaa mid ku fashilanta yoolkeeda.
  5. Waxa uu shirku adkaynayaa la tayeeyo hay’adaha dawllladda si guud .Iaydoo la cirib tirayo wax kasta oo khatar ku ah nabadda iyo bedqabka bulshada sida fara gelinta qaawan, dulimiga, siyaasadda amar-ku-taalaynta ku dhisan, jariimada, hubka aan xakamaysnayn , ururarada argigixisada, jahliga, daroogada, arrimahaan oo ah ilaha iyo gundhiga amnidarrada  iyo colaadda.
  6. Waxyaabaha keena kalatagga bulshada ee ay habboon tahay in wax laga qabto wax aka mid ah:Tacasubka dhaanraaca ah, fahan yarida ku qotonta aqoon la’aanta  nusuusta diinta,herdenka erey-bixinta ka dhasha fahanka dulkaxaadiska ah  waxa kasta oo keeni kara in laga weecdo majaraha saxda ah .
  7. Shirku waxa uu adkaynayaa in culimmadu oo ah hormuudka ummaddu ay mudnaanta siiso arriimaha masiiriga ah iyo qadiyaha waaweyn ,sida arrinta Falastiin iyo qaddiyadaha la mid ka ah . Haddii arrin kan la tixgeliyo waxa hubaal ah  in culumadu gudanyso kaalinteeda  mugga leh marka la joogo nabadaynta iyo yaraynta colaadaha.
  8. In la ilaasho bedqabka fikirka, laguna ilaasho qofka seeraha danaha qaranka si loo yareeyo nacaybka, gacan ka hadalka,wararka aan raadka lahayn iyo dhammaan wax kasta oo dhaawacaya  bedqabka nolosha, iyo xasiloonida bushada.
  9. Shirku waxa uu adkaynayaa mudnaanta koowaad tahay ilaalinta sahreecada iyo maqaasiadda guud ee diinta Islaamka. Sidaa awgeed, dastuurka dalka oo ah heshiiska bulsho oo ay ka farcamayaan heshiisyada kale waa in la dadajiyo dhammaystirkiisa lana waafajiyaa dhammaan sharciyada kale nooc walba ay yihiin, lana dhammaystiro geeddi-socodka hirgalinta Shareecada Islaamka, si loo helo bulsho meel u wada jeedda.
  10. Shirku waxa uu adkaynayaa tixgelinta kaalinta haweenka iyo dhallin yaradu ku leeyihiin taabbagelinta nabadda ,ayada oo la boorrinayo iskaashiga dhammaan qaybaha bulshada si looga mira dhaliyo heshiinta bulshada iyo xasilinta dalka.
  11. Dib-u-heshiisiintu waa arrin gunteedu fogtahay in laga miro dhaliyo waxay u baahan tahay diraasado si xeel dheer leh loo diyaariyey. Sidaa darteed, waxa uu shirku dhirri galinayaa in ay noqoto mid leh manhaj iyo tubo cad oo loo maro, xarumo waxbarasho, hay’ado u heellan iyo maalgalin dawladeed ee aaney noqon mid gola-ka-fuul ah.

DARDAARANKA HAWL QABADKA AH EE SHIRKA

  1. In la helo lana soo saaro baaq iyo heshiis u dhexeeya culimmada kana kaas oo xeerinaya isu dulqaadashada, kala duwanaanshaha iyo midnimada isku sidkan .kaas oo ka marag kacaya hormuudnimada culimmada iyo kobocsanaanta aragtidooda.
  2. Shirku waxa uu u soo jeedinayaa wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ay khusayso dajinta xeerar, hal beegyo tayo leh ku dhisan cadaalad, u fududeeya cid kasta oo ku hawlan arrimaha dib-u-heshiinta.
  3. In la dhiso guddiyo culimmo ah oo ka qayb qaata dadaallada nabadaynta dowlad goboleedyada, kuwaas oo ku hubaysan tabaha heshiisiinta.
  4. Shirku waxa uu soo jeedinayaa in culimmadu ay qaadaan ololayaal lagu dhiirri galinayo dib-u- heshiisiinta deegaannada colaadahu ka aloosan yihiin, sidoo kale ololaha cirib tirka fikira xag jirka ah oo ka bayrsan dhex-dhexaadnimada diinta Islaamka.
  5. Shirku waxa uu bogaadinayaa dadaallada Dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Dr. Xasan Sh. Maxamuud iyo Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ee xasilinta Dalka iyo dib-u-heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed.

Ugu damayntii Xarunta daraasaadka iyo cilmi-baarista ee  Maqaasid waxa ay u mahad celinaysaa Raysalwasaaraha qaranka mudane Xamse Cabddi Barre, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudan Axmed Macallin Fiqi, iyo Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta dawrka mugga leh ee ay ka qaateen hir-galinta shirkan. Sidoo kale waxaa bogaadin iyo sharaf naga mudan qof ka tas oo marti u ahaa xarunta , Si gaar waxa ay ugu mahad celinaysaa culimmada Soomaaliyeed , ururrada bulshada, bahda saxaafadda, guddiga qaban qaabada shirka saraakiisha ammaanka sugaysay.

Wabillaahi Towfiiq

Muqdisho

16-18 Rabiicul Al-thaani 1445

31-Oktoobar -02 November 2023.

WAR-MURTIYEEDKA SHIRKA 3-AAD.PDF

Share:

Facebook
Twitter
Pinterest
LinkedIn