GUDDOOMIYE KU XIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA BJFS OO SOO BOOQDAY XARUNTA CILMIBAARISTA IYO DARAASAADKA MAQAASID

GUDDOOMIYE KU XIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA BJFS OO SOO BOOQDAY XARUNTA CILMIBAARISTA IYO DARAASAADKA MAQAASID.
Gudoomiye Ku xigaynka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 𝑴𝒖𝒅𝒂𝒏𝒆 𝑪𝒂𝒃𝒅𝒖𝒍𝒍𝒂𝒂𝒉𝒊 𝑪𝒖𝒎𝒂𝒓 𝑨𝒃𝒔𝒉𝒊𝒓𝒐𝒘 ayaa maanta booqasho ku tagey Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid, waxaana kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Xarunta 𝑿𝒊𝒍𝒅𝒉𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑫𝒓. 𝑴𝒂𝒙𝒂𝒎𝒆𝒅 𝑺𝒉𝒆𝒆𝒌𝒉 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 (𝑴𝒂𝒙𝒂𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒂𝒋𝒊) iyo howlwadeennada xarunta.
Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka iyo maamulka xarunta ka wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta, doorka ay cilmi-baaristu ku leedahay dhismaha dowlad-wanaagga, iyo sidii loo horumarin lahaa barnaamijyada aqooneed ee ay xaruntu bulshada u qabato.
Ugu dambeyn Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Dalka ayaa kormeeray qaybaha ay xarunta ka koobantahay, wuxuuna bogaadiyey shaqada muuqata ee ay xaruntan qabato, waxa uuna madaxda xarunta ka guddoomay hadiyado buugaag ah iyo warbixinada ay xarunta soo saartay.
شارك