OGEYSIIS: DUFCADII LABAAD EE DIPLOOMKA MAQAASIDDA SHAREECADA

Linkigaan buuxi si aad isu diiwaangelisid hadii daraasadda online ah doonaysid
Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka MAQASID, waxa ay ugu bishaaraynaysaa dhamaan dadka jecel barashada culuumta shareecada gaar ahaan cilmiga Maqaasidda shareecada inay socoto diiwaan gelinta dufcadii labaad ee shahaadada sare ee diplomka maqaasidda shareecada, oo ay xaruntu bixiso.
1. Inuu haysto shahaadada koowaad ee jaamacadda bachelorka ugu yaraan.
2. Waa inuu aqoon fiican u leeyahay cilmiga shareecada iyo afka Carabiga.
3. Inuu u hoggaansamo xeerarka xarunta iyo daraasadda.
4. Inuu ka gudbo imtixaanka qabuulka.
1. Shahaadada Bachelor-ka
2. Xaashida dhibcaha (Transcript)
3. Laba sawir (baasaboorka)
4. Feel dukumentiyada lagu keydiyo
5. Bixinta lacagta diiwaangelinta
#MUDADA_DARAASADA: hal sanad dugsiyeed keliya
#HABKA_DARAASADA: Daraasadda waxa ay ku baxaysaa hab FASAL LA FADHIISAAAYO IYO ONLINE, Zoom-ka IWM.
Ka-qaybgalayaasha daraasaddan waxa ay heli doonaan mudnaanta soo socota.
1. Ardayda waxa ay heli doonan Muqarrarka waxbarashada oo PDF ah haduu fasal xaadiraynin.
2. Diyaarinta kulamo fool ka fool ah marka loo baahdo.
3. Mudnaanta ka faa’iidaysiga barnaamijyada ay xarunta qabato.
4. Xubnaha katirsan Maqaasid waxa ay helayaan Qiimo Dhimis.
Isdiiwaangelintu waxa ay bilaabanaysaa Axad 31 December 2023
Waxay dhammaanaysaa Talaado 30-ka Janaayo, 2024.
SI AAD U DHAMAYSTIRTID IS DIIWAANGELINTAADA FADLAN LA XARIIR 61 6434280

Share:

Facebook
Twitter
Pinterest
LinkedIn