Warbixin: Shir-Cilmiyeedkii Shanaad ee Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqasid

Waxaa dhawaan si guul leh ugu soo gabagaboobay magaalada Muqdisho shir-cilmiyeedkii shanaad ee ay soo qabanqaabisay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqasid, kaas oo sanadkan  hal-ku-dhiggiisu ahaa Federaaleynta Soomaaliya

Shir-cilmiyeedkan ayaa socday muddo laba maalmood ah, waxaana ka qeybgalay aqoonyahanno, culimo, xeeldheerayaal siyaasadeed, cilmi-baarayaal, masuuliyiin dowladeed iyo marti sharaf kale oo ka kala yimid gudaha dalka iyo dibaddiisa. Ujeeddada shirku waxay ahayd in si cilmiyeed oo qoto dheer loo falanqeeyo nidaamka federaalka Soomaaliya, caqabadaha horyaalla, fursadaha jira, iyo mustaqbalka suurtagalka ah ee nidaamkan marka la eego duruufaha siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale ee dalka

Intii uu socday shir-cilmiyeedku, waxaa la soo bandhigay warqado cilmi-baariseed kala duwan oo taabanayay mowduucyo ay ka mid yihiin

Asalka iyo horumarka federaaleynta Soomaaliya

Khibradaha dalalka kale ee nidaamka federaalka ku dhaqma

Caqabadaha siyaasadeed, sharci iyo maamul ee hirgelinta federaalka

Doorka federaaleynta ee midnimada qaranka, wadajirka bulshada iyo xallinta khilaafaadka

Ka qeybgalayaashu waxay si furan u yeesheen dood iyo is-dhaafsi aragtiyeed, taas oo horseeday talooyin wax-ku-ool ah iyo gunaanadyo muhiim u ah hoggaaminta siyaasadeed, hay’adaha dowliga ah iyo bahda cilmiga

Gabagabadii shir-cilmiyeedka, Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqasid waxay adkaysay sida ay uga go’an tahay sii wadista doodaha cilmiyeed ee ku saabsan arrimaha masiiriga u ah dalka, gaar ahaan kuwa la xiriira dhismaha dowladnimo, nidaamka maamul, iyo xoojinta midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya

     

شارك