SUUQA SARRIFKA FOREX – QIIMAYNTA SHARCIYADA IYO KAALINTA HAY’ADAHA CADAALADA

ERAYGA AGAASIMAHA MAQAASID

Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid waa xarun higsanaysa in ay hormuud u noqoto cilmi-baarista, gaar ahaan maqaasida shareecada, iyo la fal-galiddeeda culuumta bulshada iyo waayaha la noolyahay.

Si loo xaqiijiyo yoolkaas sare, xaruntu waxa ay ku fooggan tahay in ay soo saarto daraasado wax tar u leh bulshada, kuna suntan hal-abuur, taas oo qayb ka ah hagaajinta hab-fikirka iyo xal u helidda aafooyinka dabray bulshadeenna, ayada oo saldhig looga dhigayo dhawrista Maqaasidda Shareecada Islaamka. Waxaa kale oo xaruntani ku howllan tahay diyaarinta iyo faafinta cilmi baarisyo leh halbeegyada caalamiga ah ee aqoon curinta, u kuur galidda arrimaha bulsho, ayada oo loo marayo dhabbaha aqoonta, lana kaashanayo cidda ehelka u ah. Sidoo kale waxa ay Xaruntu xil wayn iska saaraysaa u sal dhigidda hab fikir dhexdexaad ah ee Islaamka kaas oo dheelli tir u samaynaya waxyiga iyo waayaha lagu jiro.

Ayada oo laga duulayo ujeeddooyinka sare ku xusan ayay Xaruntu markii ay soo if-baxday burburkii suuqa Forex.

Bilowgii 2020-ka xarunta cilmi-baarista iyo daraasaadka maqaasid waxa ay qabatay kulan cilmiyeed lagu gorfaynayay isha dhibaatada iyo xalkeeda, ayna ka qayb galeen aqoon yahaynno, khubaro dhaqaale, garyaqaanno, culimo.

Waxaa lagu soo bandhigay daraasado dhinacyo kala duwan ka ifinaya dhibtaatada.

Diraasaddan isugu jirta sahminta xaaladda macaamiisha, iyo xog waraysiga khubarada waxa ay ka dhalatay dadaalkaas sare.

Ugu danbayntii, Xaruntu -Eebbe ka sokow- waxa ay u mahad celinaysaa qoraaga Diraasadda, hawl wadeennada Xarunta iyo cidkasta oo ka qayb qaadatay hirgalinteeda  iyo daabiciddeeda.

SI AAD U DEJISATO GUJI HALKAAN

Share:

Facebook
Twitter
Pinterest
LinkedIn