Kaalinta Culumadu ku Leeyihiin Geeddi-socodka Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta
HORDHAC
Iyada oo laga dab-qaadanayo loolanka iyo herdanka siyaasadeed ee ku soo kordhaya Mandiqadda Geeska Afrika iyo duruufaha ku gedaaman bulshooyinka qaarkood sida: Soomaalida, Itoobiyanka iyo Suudaanta oo ay dhawaanahan ka curteen dagaallo sokeeye.
Marka loo fiirsado dalalkaas waxa ay ka wada siman yihiin, waa deggenaan la’aan siyaasadeed, iyo heshiis bulsho la’aanteed, taas oo dhaxalsiinaysa bulshooyinkaas dhibaatooyin ay ka mid yihiin saboolnimo, maarayn la’aanta fursadaha iyo khayraadka rabbi ku mannaystay, sidoo kale barakac joogtada ah oo astaan u noqday. Soomaaliya si gaar ah, waxay ku jirtaa xilli ka soo kabasho colaado sokeeye, waxay higsanaysaa nabad, waxaase wali jira colaado, iyo heshiis la’aan bulso. Sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in la darso, la lafa guro, lagana sameeyo cilmi-baarisyo qoto dheer.
Ayada oo laga duulayo sababahaas sare ku xusan, maanka lagu hayo in bulshada Soomaaliyeed tahay bulsho Muslima ah, isla markaasna culimada diintu u yihiin hormuud, qayb wayn ka qaataan samata bixinta waayaha adag. Waxaa lama huraan ah in la is dul taago kaalintooda Dib-u-heshiisiinta iyo sal u dhigidda Nabadda, lagana sameeyo aragti cad oo dhabaha u jeexi karta wax qabad loo aayo.